Sign in to follow this  
Deeq A.

Guusha Somaliland VS- Waxa ay maraysaa khilaafka garsooraha codaynta…….

Recommended Posts

Deeq A.   

GUUSHA SOMALILAND VS SAAMIGA BEELAHA IYO KHILAAFKA GARSOORAHA CODAYENTA (VOTING COMMISSION).

Marxalada Somaliland waxay maraysaa jaho wareer iyo walaac la is waydiin karo xagee loo socdaa.
axsaabtii oo qir ah , beelihii oo kala baqoolaya, gurxan iyo gabayo goohoogu gilgil badan dhaliyey
xadhig abwaano .culimo iyo shacaba leh oon loo meeldayin, xanibaado muwaadiniintii dalkoodii
loo diiday, saxaafadii oo afka la qabtay, doorashooyinkii golaha baarlamnka iyo degaanka oo qabsoomidooda laga
dayrinayo, maceeshadii oo marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareraysa, musuqii oo xakamaha goostay
qabyaaladii oo dhibi shaxanaysa, shir beeleeyada oo shakaalka goostay,maarayentii siyaasadii SOMLILAND oo
ku sii sinqaysa godkii aan shalay ka soo baxnay,

WAXAAS OO BAALAHA LA BAXAY MAXAA BURIN KARA?

waa in marka hore Komishanka si degdeg ah loo bedelo asxaabta qarankuna islaabxaadhaan.

beelaha tabashadooda la saxo wixii inaga qaldamay la saxo ,laga fogaado SIYAASADAYEN IYO GUDI FARSAMO KU MAANWEELI.

doorashada golaha barlamaanka iyo degaanaada loo diyaar garoobo qabashadooda.

golaha wasiirada ah ee fadhiidka noqday lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel la magacaabo dad waayo arag u ah siyaasada maandiqada iyo aduunka dhiig cusub lagu shubo.

MDAXWEYNE WAA SHIRGUDOON OO WAXA SHIRKU GAADHUU GUDOOMAIYAA SHAQADA WAXA WADA OO AMA LA MAAHADIYAA AMA LAGU JABAA WAA TEAMKA WASAARADAHA LOO DOORTO EE XILKA LA SAARO.

Sidaa lagu hawlgalaa Somaliland shacab iyo xukuumadba taasay ku midho dhalaysaa himiladeena iyo guusha aynu hiigsanaynaa

mase keenayso QIR IYO QIR SUTI GAASHAAN.

DAWLADAA LAGA RABAA IN AY U DHEGA NUGLAATO ASXAABTEEDA IYO SHACABKEEDA WAXAY KAA CABANAYAAN EE MA AHA

IN AY LA QORI TUURATO SHACABKEEDA IYO ASXAABTEEDA BALS WAXAY KA CABANAYAAN WAX KALA QABTO

WAAYO DAWLADI WAA U ADEEGAHA DADKEEDA IYO DALKEEDA EE MA AHA TII KA FICISHATA ASXAABTEEDA MUCAARIDKA

IYO SHACABKEDA EE MEDIA UGU JAWAABTA CEEB CEEB CEEB WAA MASUULKII DALKA IYO DADKA.

WADA SHAQAYEN SHACAB IYO DAWLAD WAA GUUSHA SOMALILAND.

LABA TALABA TII ROON RABOW ADAY TADA NOQOTAA.

XAQ U DIRIR

MUSA AW HASSAN LODOON

AWDALI DUBAI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this