Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Iran Oo Xabsiga Ku Gurtay Boqolaal Qof Oo Ka Soo Horjeeday Dawladda

Recommended Posts

Deeq A.   


Ha’yadda caalamiga ah ee Amnesty International waxay sheegtay in Iiraan ay xabsiga dhigtay 7,000 qof sanadkii lasoo dhaafay.

E0D09F30-7F61-4A54-93BB-DC2779BAD2FB.jpe

Dadka la xiray waxaa kamid ah dad dibadbaxyo dhigayay, ardey, qareeno, wariyeyaal, ururada shaqaalaha iyo dad u doodo xuquuqul insaanka.

Dadkan ayaa ka careysnaa macluusha, musuq maasuqa iyo isbaddallo la’aanta siyaasadeed ee dalkaasi ka jira.

Boqolaal kamid ah shacabka ayaa la xiray halka ugu yaraan 26 qof la dilay.

Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in 9 qof ay ku dhinteen xabsiyada.

Philip Luther oo ah agaasimaha ha’yadda Amnesty ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa sheegay in dadka reer Iiraan ee raadinayo xuquuqdooda ay dhibaato la kulmeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this