Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Kor U Qaadaya Goobaha Madadaalada Iyo Qoob Ka Ciyaarka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyaad) Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday qorshe in badan ay ku howlaneyd oo ahaa in la sameeyo goobo dadka lagu maaweeliyo sida tartamada weyrixinta Dibida ee ka jira dalka Spain, in sare loo qaado sameynta goobaha madadaalada waa tallaabo uu gadhwadeen ka yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.

76865061-BC28-4745-A046-7297EB7D03B1.jpe

Sacuudiga wuxuu ku rajo weyn yahay inuu bilaabo goobo lagu soo bandhigo tartanka quruxda haweenka iyo tartamada heesaha qoob ka ciyaarka.

Madaxa madadaalada Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo in tallaabadan uu ku soo xareeyo balaayin doolar oo dhakhli ah.

Isku dayga ah in Sucuudiga uu noqdo xarunta madadaallada ee gobolka waxaa majaraha u haya dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.

Maxamed Bin Salmaan iyo dalkiisaba waxaa soo foodsaartay dhibaato dhanka sumcadda kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, in kasta oo ay beeniyeen arrintaas.

Xilli Talaadadii uu daahfurayay straatiijiyadda madaalada ee xukuumadda Riyaadh, Al Sheekh wuxuu soo hadal qaaday tiro kamid ah waxyaabaha ay doonayaan inay kusoo bandhigaan tartamadaasi.

Waxaana kamid ah tartanka dagaalka Dibida, ciyaaraha internet-ka, heesaha qoob ka ciyaarka iyo kubadda koleyga.

Tartanka Quraanka Kariimka ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono, qofkii ku guuleystay Quraanka wuxuu heli doonaa abaal marin gaareysa 1.3 milyan oo doolar halka la qaban doono bandhigyo ah sida loo tukado salaadda iyo Aadaanka.

Tartanka waxaa sidoo kale kamid ah mid lagu tartamayo sixirka iyo faalka inkasta oo ay dambi yihiin.

“Waxaan rajeynayaa in dhammaan shirkadaha, bangiyada iyo ganacsatada inay garab na siiyaan, waa fursado dahabi ah” ayuu yiri madaxa barnaamijkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this