Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan Qof Oo Aanu Qabiil Loogu Dilay Gobolka Hiran Ee Dalka Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Hiran)Inta la ogyahay 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah, kaasi oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

4C354B8A-76F3-4618-8E88-52B0FE2999F8.jpe

Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah.

Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca.

Waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this