Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Itoobiya Oo Heshiis Ku Soo Xero Galisay Laba Garab Oo Jabhada Oromada Aha.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Addis-ababa)Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la gaartay Laba Garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, taas oo Af-jaraysa colaad iyo gadood Hubeysan oo Bilooyin ka taagnaa qaybo ka mid ah Dalkaas, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

9C2315DA-DAAC-4F13-A5E4-014985AA696B-102

Jabhadahan oo kala ah, Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) ayaa Khamiistii Shalay heshiis la saxiixday Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya, ka dib shir dib u heshiisiin ah oo Talaadadii Todobaadkan ka dhacay Addis ababa.

Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this