Sign in to follow this  
Deeq A.

Xidigii Faransiiska Ee Thiery Henry Oo Shaqadii Kooxda Monaco Laga Caydhiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Monaco) Kooxda Monaco ee dalka Fransiiska ayaa shaqadii ka eriday tababarihii kooxdaasi , ahna weeraryahankii hore ee Kooxda Arsenal, Thierry Henry oo saddex bilood oo keliya hogaaminyay kooxdaasi.

F86EEDA2-BDEE-4361-BDF0-6CC0CB225CC3.jpe

Henry ayaa shaqada laga joojiya, hasa yeeshe waxaa iska cad ayaa la leeyahay in uu sidaasi ku tegay. Thierry Henry ayaa kooxdaasi leylinayay 20 ciyaarood,waxaana lagu wadaa in ku xigeenkiisa uu sii qabto shaqadiisa.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in ninkii isaga kaga horeeyay kooxdaasi oo lagu magacaabo Passi la doonayo in mar kale loo dhiibo hogaanka kooxda Monaco.

Inkastoo aan si rasmi ah loo garaneyni sababta keentay in shaqada laga ceyriyo Henry ayaa haddana waxaa jirtay in uu hadalo qallafsan uu kula hadlay daafaca kooxda Strasbourg Kenny Lala xili ay wada dheelayeen labada kooxood.

Henry oo ah ninkii ugu gool dhalinta badnaa ee soo maray kooxda Arsenal ayaa sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday tababare ku xigeenka xulka qaranka ee Belgium, waxaana uu sidoo kale mar kamid ah rag loo soo xulay inay tababare u noqdaan kooxda Aston Villa ee horyaalka Ingiriiskia bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this