Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo joojinaya shaacinta duqeymaha uu ka geysto Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay inuu joojinayo shaacinta duqaymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, islamarkaana wixii hadda ka dambeeya ay dowlada Soomaaliya shaacin doono fahfaahinta howlgalada uu ka fuliyo wadanka.

Afhayeen u hadlay AFRICOM oo warkaan xaqiijiyay ayaa nan soo bandhigin sababta ka dambeysa, balse, waxay kusoo beegmaysaa iyada oo uu Mareykanka kordhiyay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

23-kii bishaan ayay ahayd markii weerar cirka ah oo uu ka fuliyay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe uu ku beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uusan xusin tirada uu kaga khaarijiayay.

Horaantii bishaan, ku dhowaad 52 xubnood oo Shabaab ayuu talisku shaaciyay inuu Shabaab kaga dilay duqayn uu ka geystay degaanka Baar Sanguuni ee Jubada Hoose, markii uu Gantaal ku dhuftay gaari ay la socdeen.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka caawiya dowlada Soomaaliya la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana ka jooga dalka in ka badan 500 ciidan, kuwaasi oo meelo kala duwan ku leh saldhigyo qarsoodi ah.

The post Mareykanka oo joojinaya shaacinta duqeymaha uu ka geysto Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this