Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqor Maleysiyaan ah oo xilkiisa boqornimo ka doortay Haweenay Ruush ah oo qurux badan+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqor Maleysiyaan ah oo xilkiisa boqornimo ka doortay Haweenay Ruush ah oo qurux badan+Sawirro

sultan1.jpg?resize=690%2C386

Maanta dalka Malaysia waxaa la doortay boqor cusub kadib markii boqorkii hore uu xilka isaga dagay sababo loo malaynayo in ay jacayl daran oo uu u qaaday gabadh ku guuleysatay quruxda dalka Ruushka.

Boqorka cusub ee la doortay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Cabdullaahi oo kasoo jeeda gobolka Pahang.

Suldaan Maxamed oo ah boqorka xilka wareejiyay, ayaa la sheegay in bishii November ee sannadkii hore uu fasax caafimaad ku tagay dalka Ruushka, kadibna waxaa soo shaac baxay sawirro muujinayo isaga oo la sawiran gabadh qaadday quruxda dalka Ruushka oo magaceedu yahay Oksana Voevodina.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta ay aad u faafisay sawirrada arooska lammaanahan oo ka dhacay magaalada Moscow bishii November, waxaana la sheegay in gabadhan ay soo islaantay, islamarkaasna magaceeda lagu badelay Rihana.

Arooska waxaa la sheegay in laga mamnuucay qamriga, dhammaan cuntadii la qeybiyayna ay ahayd mid xalaal ah.

Qasriga Boqortooyada Malaysia ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray 6-dii bishan Janaayo ku sheegtay in uu boqor Suldaan Maxamed uu xilka ka dagay.

Balse lama sheegin sababta rasmiga ah, lamana oga in gabadha ajnabiga ah ee uu guursaday boqorka ay ugu wacantahay in uu xilka ka dego.

Balse caadi ahaan boqortooyooyinka waxa ay leeyihiin shuruuc adag oo dhigaya in boqorka ama qofka leh dhaxalka uusan guursan karin qof ajnabi ah ama ka baxsan qoyska reer boqor.

Waxa ay arrintan qabsatay amiiradda dalka Japan Ayako taas oo xilkeedii dhaxalsugenimada wareejisay kadib markii ay jacayl daran u qaadday wiil aanan ka tirsanayn boqortooyada.

Gabadhan uu guursaday Suldaan Maxamed ayaa horey u ahayd dumarka dharka xayaysiiya, waxaana meel kasta yaala sawirradeeda oo qaawni u dhow, ama jirkeeda inteeda badan uu muuqdo.

Waa nidaam kal-tirsi ah oo beelo kasoo kala jeeda 9 gobol oo dalkaas ka tirsan uu midba mar qabanayo boqortooyada.

sultan3.jpg?resize=690%2C388

Waa boqortooyo dastuuri ah, taas oo gole guurti boqortooyo ah ay dooranayaan boqorka, wuxuuna halkii mar haynayaa 5 sanno.

Waxaa kale oo jirta in inkasta oo boqorka uu yahay madaxa ugu sareeya ee dalka, haddane kama qeybqaato kala wadista maamulka dowliga ah ee Malaysia.

Waxaa nidaamkan la dajiyay markii uu dalkaas xornimada ka qaatay Britain sannadkii 1957-dii.

Waxa ay Malaysia ka koobantahay 13 ismaamul goboleed, 9 ka mid ah waxaa xukuma qoysas boqortooyo, halka 4ta soo harayna ay xukumaan barasaabyo.

Balse xuquuqda u codeynta boqorka waxaa iska leh madaxda 9-ka qoys ee boqortooyada leh.

Mid kasta waxaa loo dhiibayaa warqad uu ku qoranyahay magaca Suldaanka xiga ee kal-tirsiga uu kusoo aaddanyahay, codkooda waa qarsoodi, waxayna kala xulanayaan in uu u qalmo xilka iyo in kale.

Haddii uu cod aqlabiyad ah heli waayo, doorashada wareeg kale ayaa la qabanayaa, balse markan waxaa warqadda lagu qorayaa suldaanka kale ee safka kusoo jira.

Si qarsoonida codka loo hubiyo, warqadaha wax nambar ah ma lahan, qalmaanta waa isku mid, qadda qalmaantana waa hal midab, waxaa sidaas oo dhan loo samaynayana waa in aanan la ogaanin go’aanka qofka iyo sida uu u codeeyay.

Awoodo saas usii badan ma lahan, waxana inta badan awoodaha ay la yaalaan baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha.

Balse waxa uu leeyahay awoodda soo magacaabista Ra’isulwasaaraha, waa madaxa diinta Islaamka ee dalkaas, iyo sidoo kale taliyaha ciidamadda qalabka sida ee Malaysia.

Waxa uu bixin karaa cafisyada dadka maxaabiista ah, isaga oo boqorkii hore uu cafis u fidiyay hoggaamiyihii mucaaradka Anwar Ibraahim.

sultan2.jpg?resize=690%2C460

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this