Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay duqaymo uu ka fuliyay J/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa fahfaahin ka bixiyay duqaymo uu 23-kii bishaan Janaayo ka geystay gobolka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka ah ay ku beegsatay kolanyo ay la socdeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo marayey meel ku dhow degmada Jilib ee gobolkaasi.

War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa nan lagu xusin khasaaraha Al-Shabaab ay ugu geysteen duqaymahaasi.

Mareykanka ayaa tibaaxay in weeraradda dhanka cirka ah ay ku taageerayaan dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqaymahaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga Shabaab.

Duqaymaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo maamulka Jubbaland uu gobolka ka wado guluf uu doonayo inuu dib ula wareego gacan ku haynta gobolka Jubada Dhexe iyo degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedkaan.

The post Mareykanka oo ka hadlay duqaymo uu ka fuliyay J/Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this