Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab xalay qabsaday suuq ku yaala Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay qabsaday Suuqa Wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dabka oo bilowday abaare 2-dii habeenimo oo ay qadar harsan tahay ayaa saameeyay xarumaha ganacsi oo halkaasi ku yaala.

Qof kamid ah ganacsatada oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu yahay mid hantiyadeed.

Waxa uu shaaciyay inuu cagta mariyay goobo ganacsi oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ganacsiga.

Gaadiidka dambiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo meesha durba yimid ayaa ku guuleystay inay damiyaan.

Lama ogga waxa dabkaan sababay, balse, inta badan dabka ka kacay suuqyada caasimada waxaa sababay Koronto.

The post Dab xalay qabsaday suuq ku yaala Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this