Deeq A. Posted January 25, 2019 Jowhar (Sh.M.Network) – Cali Cabdullaahi Guud-laawe, madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, ayaa baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku diriya xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxwayne ku xigeenka oo la hadlayay munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulkaan ayaa ku tartarsiiyay Beelaha in colaada ay ku belaan nabad iyo wax wada qabsi. Dib-u-heshiisiin dhab ah ayuu cod dheer ku qeexay in loo baahan yahay in loo sameeyo Beelahaasi, si aysan dib udambe usoo laaban isku dhacyada, kuwaasi oo galaaftay nolasha Tobaneeyo ruux. Dhowaan ayay ahayd markii colaad beeleedyo ay dib uga soo cusboonaatay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo tan iyo xilligaasi ay isasoo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo dirayo. The post Cali Guudlaawe oo ku baaqay dib-u-heshiisiin dhab ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites