Sign in to follow this  
Deeq A.

Marti Sharaf ku qul-quleysa Garowe kahor caleema saarka Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la caleema saaro Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabada caleema saarka oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan.

Madaxda lagu martiqaaday oo kusii qul-quleysa Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada ayaa ka kala socda dowlada dhexe, maamulada iyo beesha caalamka.

Amaanka caasimad gobolka Nugaal ayaa la adkeeyay iyada oo ciidamada ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

Taliyaha Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare Xasan Cabdullaahi ayaa shaaciyay in gaadiidka Bajaajta mudo labo maalin ah laga mamnuucay magaalada.

The post Marti Sharaf ku qul-quleysa Garowe kahor caleema saarka Deni appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this