Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaannaa erayga LAKUKA?       

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha!

Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey:

LA:     la qabso
KU:    ku qabso
KA:    ka qabso

Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, shadaqa LAQABSO!

Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa, waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii!

Dadka xirfedlayda ah taasi waa wada sugeysaa.

Haddii aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga ayey ku jirtaa.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus  

Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this