Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo taariikh cusub u dhigaysa Afrika ayada oo noqon doonta dalkii ugu horeeyey ee Afrikan ah oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Davos (Caasimada Online) – Shir ku dhex maray Davos ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab  ayaa la isku afgartay in Asdis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020.

Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay.

Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka.

Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka.

Haddii arrintan ay dhacdo, Itoobiya ayaa taariikh cusub u dhigi doonta Afrika, ayada oo noqon doonta dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this