Sign in to follow this  
Deeq A.

Loolanka Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide laba mid ayuu ku dambeyn doonaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobolka Soomaali Galbeed waxaa ka taagan loolan siyaasadeed u muuqdo mid quus galinaya shacabka Soomaaliiyeed guud ahaan gayiiga Geeska Africa.

Lama fileyn, xilli lagu rejo weynaa in Soomaalida ka dheefi doonto dabeysha is bedel ee Itoobiya iyo Mandiqadda ka dhacay in maanta xaalka Jigjiga sidaas noqdo.

Hase ahaatee, loolanka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu tunka weyn Soomaali Galbeed Madaxweyne Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya waxa uu gobolkaas u horseedi doonaa labadan qodob midkood.

1 – In ay ka faa’ideystaan is bedelka oo aysan ka aqli yaraan maamulada Oromiya, Amhara iyo Tigreega

Wali sheegada Jigjga ka socota waxa ay leedahay dhabbe looga dhigo mid togan, waa haddii uu caqligu shaqeeyo.

Ceeb ma aha in siyaasadda lagu kala aragti duwanaado, la is qabto balse waxaa mar walba laga eega danta guud oo waxaa loo xuub siibtaa dhaqanka isu tanaasulka.

Haddii Mustafe iyo Shide garowsadaan taas oo ay uga daydaan maamulada kale ee Itoobiya ka jira sida Oromia, Amhara iyo Tigreega oo ay arrintooda maxaliga ah iyagu xalliyaan, bannaanka uga bixin is jiid jiidkooda siyaasadeed, waxaa ay noqon doonaan kuwo u madax bannaan aayahooda oo ka kora ciilkii ay boqolaalka sano ku soo noolaayeen.

2 – In ay ka aradnaadaan is bedelka ka hana qaaday Itoobiya iyo gobolka

Haddii loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Cagjar iyo Axmed Shide ku dambeeyo sida uu dhaqan Soomaaliga ahaa “Isu Tanaasul la’aan” shaki la’aan waxaa soo bixi doona wax ugu xun ee ay Soomaalida oo dhami suureysan karto.

Maamulka Soomaalida waligii waxa uu ahaa mid ay hoggaamiyaan shaqsiyaad ciidan ah oo toos uga amar qaata Addis Ababa kuwaas oo tacadi badan u geysan jiray shacabka.

Gunaanad. Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Gudoomiye Axmed Shide waxaa ku waajib ah in ay xeeriyaan Soomaalida nimda, u turaan shacabka guumeysiga boqolaalka sano dulleeyey oo ay ka tanaasulaan waxyaabaha yar yar ee danaha shaqsiyadeed ah, haddii kale sheekada Soomaali Galbeed waxa ay noqon doontaa jug jug meeshaada joog.

W/Q: Maxamed Cumar Wardheere
Jigjiga, Itoobiya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this