Sign in to follow this  
Deeq A.

Cambaarayn Ka Dhan Ah Damiir-xumada Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Cambaarayn Ka Dhan Ah Damiir-xumada Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta iyo Bogaadin Ku Socota Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarka Shicibka Saaxil.

Hal As-buuc Ka Hor ayay ahayd markii Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta ,oo uu Hugaaminaayay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad uu Dalka soo galiyay,Waxaanu Waftigaasi ku sheegay markii hore in ay yihiin Dalxiisayaal ,Hasa-yeeshee Kooxdaasi markii danbe Qorshahii ay dalka ku soo galeen way badaleen ,Waxaaney Deegaanka Biyo-guure ee gobolka Saaxil ka bilaabeen Ugaadhsi Xaaraan ah oo ah dhaqamadii Dhul-xaalufinta ahaa ee Carabta Khaliijka lagu yaqiinay.

Arintaa markii danbe waxa is hortaagay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Aqoonyahan Shugri X. ismaaciil Baandare ,Agaasimayaasha Wasaaradda ,Sida Saaxil iyo Weliba Shicibka Mawaadiniinta ah ee Reer Berbera ,waxaaney taasi sababtay in Kooxdaasi Carbeed Deg Deg Deegaanka iyo Dalkaba looga saaro.

Horta Talaabadaasi waxaanu ku Hambalyaynaynaa Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri X ismaaciil oo Damiirkeedu u diiday in Dalkeeda Shi-sheeye Duur-joogtiisa iyo Khayraadkiisa Naflayda ah Gurtaan.

Waxaanu kale oo aanu Bogaadinaynaa Shicibka reer Saaxil oo iyana diiday in Deegaankooda Tuug Carbeed iyo Shakhsiyaad Duur-joogtooda soo Dilaalay Xaalufiyaan ,waxaaney taasi cadaynaysaa in ay tahay Talaabo Wadaniyada Dalka loogu Hiilinaayo oo xaga horumarka loo qaaday.

Geesta kale ,Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad ,Waa nin ka soo jeeda gobolka Saaxil ,Waxaana laga filaayay in uu dalka Keeno ama gobolka Mashaariico horumarineed oo lagu Badhi-taaraayo Dadka Danyarta ah ,Laakiin Nasiib-daro lagama filaynin in uu Tuug Carbeed oo Ugaadhsato ah dalkiisa Hooyo ku soo hugaamiyo ,oo uu yidhaado kaalaya Gurta Toban ,Tobankii Duur-joogta ahaa ,ee ka soo doogay Halgankii Dalka iyo Abaarihii dhacay ,waana Nasiib daro iyo Damiir xumo ,waananu Cambaaraynaynaa.

Mida kale hore ayaanu u sheegnay oo aanu nidhi ,waxaad arki-doontaan Masuuliyiin Dalka u dhashay oo Dilaaliin ah oo deegaankooda Tuug-carbeed oo Ugaadhsato ah usoo horkaca.

Horta arintaa Mawaadinimada ka baxsan ee Damiir-xumada ah Safiir gobolka Saaxil kamaad samayseen ,laakiin Maayir Cabdi-shakuur Cidin ayaa gobolka ka maqnaa oo dalka debediisa jiray.

Waxaananu leenahay Safiir Hirad ,waxa kaa fiicnaa ,oo kaa mawaadinsanaa Baashe Moorgan oo ahaa Safiirkii aad xilka kala wareegtay ,Waayo ? Mudadii uu xilkan hayay ,Arintan oo kale dalka kamuu Samaynin ,Dilaalna kumuu soo qaadan Duur-joogta dalka iyo Shimbirihiisa,laakiin dalka waxa uu soo galin jiray Mashaariico kale oo horumarineed.

Waxaana Bogaadin mudan Dawladda Somaliland iyo Shicibkeeda oo arintan Talaabadii ku haboonayd ka qaatay ,isla markaana fahmay in ay Duur-joogta ka mid tahay Geela Ama Adhiga dalkan.

By Ururka ilaalinta Xayawaanka Somaliland ee SAPO (Somaliland Animal Protection ORG).

Gudoomiye Mahad Faarax.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this