Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kusoo kordhay dhaqaatiirtii ajnabiga ee Muqdisho lagu dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdihso ku geeriyooday Dr Muhanad Cali Axmed oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Syria, kaasoo ku dhaawacmay qarax gaari loogu xiray oo ka dhacay degmada Hodan.

DR Muhanad Cali Axmed oo ahaa qofka ugu daran ee dhaawaca xoogan gaaray, ayaa maalmahanba xaaladiisa lagula tacaalayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, halkaasoo maqribnimadii Caawa uu ku geeriyooda.

Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Muqdisho City oo uu ka shaqeynayay, ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday, iyagoo sheegay inuu kamid ahaa Dhakhaatiirta loogu jecelyahay Isbitaalka.

Waxaa sidoo kale xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageysa Dhakhtar kale oo Syrian ah iyo laba Somali ah, kuwaasoo dhaawcayo fudud ay ka soo gaareen qaraxa gaarigooda loogu xiray xili ay sii galayeen Isbitaalka oo ku yaala dalcada C/Qaasim ee Xaafada Taleex.

Dhakhaatiirtan, ayaa xiliga uu qaraxa qabsnayay oo eheyd 21-kii bishan, waxa ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubbada cagta oo lagu magacaabo JOBKEY, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka Muqdisho City.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this