Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Donald Trump Oo Dib U Dhigay Jeedinta Khudbadda Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xidhnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda.

“Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka arbacadii.

Goor sii horeysay, saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inuu socday qorshe uu madaxweynaha doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta.

Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda, ama uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo sharci-dejiyayaasha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this