Deeq A. Posted January 24, 2019 Dooxa ( Sh. M. Network )-Wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya Hasan Cali Maxamed Amar dambe oo ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani. Kulankani oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Qtar iyo Soomaaliya. Dowladaha Qadar ayaa saaxiib dhow la’ah Soomaaliya, iyadoona ka caawisa dhinacyada dib u dhiska iyo xoojinta kaabaysha dhaqaalaha dalka. Kulankan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Qatar ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya 68 Gaadiidka dagaalka ah, gaar ahaan ku Gaashaaman. The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo la Kulmay Amiirka Qatar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites