Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo ka hadashay kiiska Antony Thomas

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar ) oo la hadlayay Televison-ka Bbc-da ayaa ka hadlay kiiska Antony Thomas oo ah nin ajnabi ah oo sabtidii la soo dhaafay laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha M/Muqdisho, kadib markii ay ka shakiyeen laamaha amniga Soomaaliya.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ninkani labo dhalasho uu ka heysto dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, islamarkaana uu in muddo ah ka shaqeynayay Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in Antony Thomas lagu waayay waxyaabihii lagu tuhmay ee ahaa in uu sido waxyaabaha qarxa, balse waxa uu tilmaamay in go’aanka iyo wax laga yeelayo looga fadhiyo hay’adaha Garsoorka dalka.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo la horgeeyay eedeysanahani ayaa shalay amartay in lagu sii hayo xabisga dhexe ee Xamar, maadaama fal dambiyeedka loo heytso uu yahay mid Qatar ah ku ah amniga guud ee dalka.

The post XFS Oo ka hadashay kiiska Antony Thomas appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this