Deeq A. Posted January 24, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka baxaya dil kooxo hubeysan barqanimadii maanta ay ka geysteen agagaarka Suuqa Ansalooti degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. Dilkan ayaa waxaa la sheegay in loo geystay guddoomiye laameed ka tirsanaa maamulka degmada Wadajir, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Cali Woosh. Sidoo kale waxaa rasaasta ay fureen Dableydaasi ku geeriyooday Qof kale oo la socday Marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban kaa sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilalkaasi, waxaana ay sheegeen in degmada Waabari ay ku dileen labo Askari oo ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ay horay u qaateen Hub ay wateen Raggaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan dilal qorsheysan ay uga dhacayeen gudaha magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites