Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo QM ka dalbatay in ay ka taageerto la dagaalka Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Brussels ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa QM ka dalbatay in ay ka caawiso la dagaalanka Al Shabaab oo weeraro xoogan ka fuliyo gudaha dalkaasi.

Ababu Namwamba oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ay xusay in halista Al Shabaab ay ku sii kordheyso qeybo ka mid ah gobalka.

Waxaana uu intaasi ku daray in sabab dhaqaale darteed ay hoos u dhacday ka hortagista weerarada Al Shabaab ay ka soo qaadaan xadka Kenya.

Mr Ababu oo ka hadlayey kulanka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya aysan heysanin dhaqaalo ku filan oo ay ku sameeyaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa ka walaacsan weerarada Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkeeda, iyadoo 15 bishan qaraxyo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Nairobi ay ku geeriyoodeen dadka badan 20 ruux.

Booliska dalka Kenya ayaa howlgallo balaaran ka wada qeybo ka mid ah dalkaasi oo laga cabsi qabo in mar kale ay ka dhacaan weeraro qaraxyo ah.

The post Kenya Oo QM ka dalbatay in ay ka taageerto la dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this