Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Buurhakaba ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku warramaya in saaka diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu gaaracay agagaarka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi oo la sheegay in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi.

Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Duqeyn xoogan Oo ka dhacday gobolka Baay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this