Deeq A. Posted January 24, 2019 Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo shalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ayaa maanta aas-qaran loogu sameeyay duleedka wayooqi ee isla magaaladan Garoowe, waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey aaska-qaran ee loo sameeyey marxuumka, madaxweyne ku-xigeenkiisa,Axmed Cilm Cismaan, madaxweynayashii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Dr Cabdiraxmaan SH. Maxamed Maxamuud (Faroole), madaxweyne Ku-xigeennadii hore, Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar (Camey),iyo Cabdisamad Cali Shire, gudoonka Golaha wakiiladda Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, isimo Iyo dad weyne kale oo badan. Sareeye guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere ) oo aaska hadal ka jeediyay ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay, taariikh nololeedkii Alle Ha u naxriistee, marxuum Gen. Caabdullaahi Cali Mire (Carays) oo ay in mudda soo ka soo wada-shaqeeyeen dhinaca ciidamada. Dhinaca kale, madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo kalmad kooban ka jeediyey aaska qaran ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumka, waxaana uu codsaday, in ay iska cafiso haddiiba ay jirto cid wax kala gaareen. “Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday samir iyo iimaan Alle ha idinka siiyo, Wuxuu noo ahaa halgamaa wax badan kasoo qabtay dalka Soomaaliyeed iyo Puntland taariikhdu way xusi doonta anaguna waan xusuusan doonaa haddii Alle idmo, Waxaan rajaynayaa dadka reer Puntland iyo cid kasta oo uu la mucaamulay oo ay wax kala gaareen in ay CAFISO ciddii wax gaar ah u haysatana in ay Dowladda Puntland lasoo xidhiidhaan” ayuu yiri Deni. PUNTLAND POST The post Gen Carays oo aas-qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites