Sign in to follow this  
Deeq A.

Wufuudda Garoowe imaanaya oo ku bilowday is dhinac-yaac iyo fowdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wufuudda ka qeyb gelaysay caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku bilowday is-dhinac-yaac iyo fowdo , kadib markii maanta Garoowe lagu soo wada-dhoweeyay laba haween ah oo labaduba sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaraha Garoowe ee Gen  Maxamed Abshir Hamaan ku soo wada-dhoweeyay, Ayaan Cabdullaahi Axmed iyo Batuulo Sheikh Axmed (Gabballe), waxaana labadaba lagu soo dhoweeyay  magaca, guddoomiyaha Haweenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Is-dhinac-yaaca maamul  ee qaabka fowdada ah ku socda ayaa imaanaya, xilli maalmaha soo aaddan ay Garoowe ku soo wajahan yihiin, wufuud badan oo ka imaanaya meelo kala duwan, balse lama garanayo sida loo kala nidaamin doono, maadaama la kala nidaamin waayey laba haween oo keligood ah.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Wufuudda Garoowe imaanaya oo ku bilowday is dhinac-yaac iyo fowdo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this