Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayay nabad gelyada iyo cadaalada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana golaha ku shiray magaalada Jigjiga ay sheegeen inaan loo dulqaadan doonin dadka carqaladeynaya amaanka deegaanka.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyay kadib markii ay xiisad ka dhalatay isfaham waa soo kala dhex galay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida iyo wasiirka maaliyadda Ethiopia oo doonaya in xubno kamid ah dadkii la shaqeeyay Cabdi Maxamuud Cumar xukuumadda hadda jirta lagu daro.

Maamulka Mustafa Maxamuud Cagjar ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn in shaqsiyaad dambiyo ka galay dhulka Soomaalida inay kusoo laabtaan dhismaha xukuumadda cusub.

Waxaa kulanka laga soo saaray in shaqsiyaadkaasi maxkamad lasoo taagi doono halkii badalkooda lagu dari lahaa xukuumadda cusub ee uu dhisay Mustafa Cagjar, waxaana arimahaasi u ololeynaya Axmed Shide oo ah wasiirka Maaliyadda Ethiopia.

Cabdullaahi Maxamed Mowliid Wasiirka xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa markii shirka uu dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in shir golaha dowlad deegaanka ku yeesheen magaalada Jigjiga lagu heshiiyay in xubnihii hore aysan xukuumadda kusoo laaban.

Xiisadda ka dhalatay kulan la isku fahmi waayay oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa wali ka taagan dhulka Soomaalida, waxaana la ogeyn halka xaalka uu ku dambeyn doono.

Wararkii ugu dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu soo dhex galay xalinta khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this