Sign in to follow this  
Deeq A.

Oomaar oo xog cusub ka bixiyay ajnabigi garoonka Muqdisho lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa xog dheeri ah ka bixiyay ruuxii ajnabiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maalintii shalay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amartay in Antony Thomas lagu haayo xabsiga ilaa baaritaanka laamaha amaanka ay wadaan uu kasoo dhaamanayo, kadib qoraal kasoo baxay maxkamadda.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ruuxa lagu qabtay magaalada Muqdisho uu heysto dhalashada labo wadan oo kala ah Ingiriiska iyo Faransiis, waxaana uu muddo ka shaqeynayay magaalada Muqdisho.

Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Antony Thomas aysan jirin tuhun weyn oo laga shaki karo, maadaama uu dalka muddo ka shaqeynayay, islamarkaana aysan jirin meel uu doonayo inuu bartilmeemeydsado.

Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka iyo natiijada baaritaanka ay leeyihiin hay’adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-oomaar-ninka-la-qabtay.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this