Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba wiil oo dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Shabaab oo sheegtay sababta ay u dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Ansalooti waxa ay barkhanimadii maanta ku dileen laba dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen laamaha ammaanka.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen Dableyda dilka geysatay inay horey u sii qaateen Bastoolad ay wateen ragga la toogtay.

Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen Dhalinyarada la toogtay inay ka tirsanaayeen ciidanka Nabad Sugidda ee dharka cadka.

Ciidanka ammaanka ayaa ku daba jira ragga dilka geystay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Al Shabaab.

Masuuliyiinta Degmada Waaberi oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.

Shalay oo ugu dambeysay kooxda Al shabaab ayaa sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo nin Ganacsade ahaa waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay labadan dhallinyaarada, waxayna sheegtay inay ahaayeen saraakiil ka tirsan NISA.

Shabaab waxa ay sheegeen in labada nin ay ahaayeen kuwa ka tirsan  dharcadka sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana hubkii ay wateen ay ka qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this