Sign in to follow this  
Deeq A.

Wufuud kala duwan oo maanta ku soo wajahan Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadaha soo socda soo gaari doona wufuud kala duwan oo ka qeyb-gali doonta caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni.

Wufuuda maanta ka soo degi doonta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminyo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Musuuliyiintan ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe loogu sameyn doonaa soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda sare ee Puntland.

Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta masuuliyiintan, iyadoo ammaan-kana loo adkeeyay si aada.

Waxii warar ah ee ku soo kordha, halkan ayaad kala socon kartaa.

PUNTLAND POST

The post Wufuud kala duwan oo maanta ku soo wajahan Garowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this