Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Hore Uga Tirsanaa Dawladda Itoobiya Oo Xabsiga La Dhigtay Iyo Sababta Loo Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha.

Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa raysal wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi.

Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii shalay, waxaana lala xiray sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa.

Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada.

Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF.

Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this