Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney La Dilay Kadibna Meydkeedii Lagu Jarjaray Deegaan Ka Tirsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jowhar)-Wararka ka imaanaya Degaanka Balcaano oo Qiyaastii 30km u jira Magaaladda Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay haweeneyn ka mid ahayd Dadka Degaanka.

Haweeneyda la dilay aya waxaa lagu magacaabi jiray Xakiimo Abuukar Xasan waxaana iyadoo jar jaran meydkeeda laga helay meel ka baxsan halka ay ku nooleyd.

lama oga wax ay salka ku heyso Dhacdadan balse dadka degaanka ayaa sheegaya in Arintan uu ka dambeeyay nin ay qaraabo dhow ahaayeen oo muranu ka dhaxeeyay.

Dadka Degaanka Balcaano iyo Tulooyin ku xeeran ayaa aad uga arga gaxay falkan iyadoo uu noqonayo kii ugu horeyay ee Noociisa ah oo ka dhaca Degaan ka mid ah Gobalka Sh/Dhexe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this