Deeq A. Posted January 24, 2019 Dalka Mareykanka ayaa ku booriyey maamulka Suudaan sii-deynta saxafiyiin iyo dhalinyaro u ololeysa xuquuqda dadka oo ay ciidamada u xireen dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay gudaha dalkaasi. Warbaahinta ka shaqeysa Suudaan ayaa la kulantay cadaadis kadib markii ay halkaasi ka dilaaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, laguna dalbanayo is casilaadiisa. Warbaahinta ruqsadda lagala laabtay ee dalkaasi ka howl gasha waxaa ka mid ah Al Jazeera, Al- Carabiya iyo qaar kale. Dibad-baxyada ayaa ka socday arbacadii shalay aheyd Khartuum, Umdurmaan iyo gobollo kale, waxaa ay dadkaasi dalbanayaan inuu madaxweyne Al-bashiir xukunka ka dago. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites