Deeq A. Posted January 24, 2019 Ha’yada faya dhowrka maamulka Puntland ayaa fariin ku aadan badeecooyinka iyo dawooyinka watigoodu dhamaaday u dirtay ganacsatada deegaanada maamulkaasi Puntaland. Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland C/casiis Ceydiid Xirsi ayaa sheegay in ay ka go’antahay in aan cuno iyo dawooyin dhacay aan la soo galin dhulka uu ka arimiyo maamulka Puntland,isagoo ganacsatada maamulkaasi ugu baaqay in ay dadkooda ka iibiyaan badeecooyin aan waqtioodu idlaan. C/casiis Ceydiid Xirsi Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland ayaa tilmaamay in ay tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan ganacsatadii badeeco watqigeedu dhamaaday ka iibisa shacabka maamulka Puntlad. Fariinta ha’yada faya dhowrka Puntland ay u dirtay ganacsatada maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili shalay magaalada Garoowe lagu gubay badeecoyin dhacay oo ay gacanta ku soo dhigtay ha’yada faya dhowrka Puntland. The post Puntland Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites