Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Looga Hadlayo Khilaafka Madaxda Dowlad Deegaanka Oo Maanta Jigjiga Lagu Qaban Doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay isugu imaan doonaan madaxda iyo mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Jigjiga,si looga wada hadlo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Kulanka ayaa la filayaa in uu ka soo qeyb galo madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo sheegay in kulankaasi diirada lagu saari doono khilaafka ka dhex jira maamulka uu hogaamiyo.

Sidoo kale madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa dowlada federaalka ee Itoobiya ku eedeeyay in ay isku dayeyso caburinta dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dowald deegaanka balse arintaasi aysan u cuntami doonin.

Kulanka maanta lagu qaban doono magaalada Jigjiga ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay xiisado u dhexeeyay Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ay marti galisay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

The post Kulan Looga Hadlayo Khilaafka Madaxda Dowlad Deegaanka Oo Maanta Jigjiga Lagu Qaban Doono appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this