Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Amisom Oo Gargaar Caafimaad Ka Sameeyay G/ Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Amisom ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa gargaar caafimaad oo isugu jiray dawooyin iyo baaritaan ka sameeyay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhaqaatiir ka tirsan Milatariga Amisom ayaa booqday xeeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceeljaale ee gobolkaasi.

Saraakiisha caafimaadka ee ciidanka Amisom ayaa xeryaha ay booqdeen waxaa ku jiray dad danyar ah oo u baahnaa gargaar caafimgaad,iyagoo u fidiyay gaargaar caafimaad oo isugu jiray baaritaan iyo dawooyin lacag la’aan ah.

Paul Muhanguzi oo hogaaminayay socdaalka dhaqaatiir ka tirsan ciidamada Amisom ay ku tageen xeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoos ayaa sheegay in ay halkaasi kula kulmeen bukaano la il darnaa xanuuno kala duwan.

Ciidamada Amisom oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore gargaar caafimaad ka sameeyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

The post Ciidamada Amisom Oo Gargaar Caafimaad Ka Sameeyay G/ Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this