Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay imaanshaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Puntland ay hadal hayn gaara u dhalisay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa si aada loogu diyaar garoobayaa caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo lagu wado inuu caleema saarkani noqdo kii ugu weynaa ee uu abid dhigto madaxweyne loo doortay Puntland, waxaana munaasabadan lagu casumay dad kala duwan oo isugu jira Madaxda ugu saraysa Dawlada Federalka, Madaxda maamul gobaleedyada, siyaasiyiin mucaarad ku ah Dawlada dhexe iyo qaybo kale oo katirsan bulshada rayidka.

Imaanshaha Madaxda Dawlada dhexe iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Waxaa kamida dadka la casumay wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiin si aada ugu kacsan Dawladiisa oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha urur siyaasadeedka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

In hal xaflad lagu casumo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dawlada dhexe ayaa hadal haynta badan ka dhalisay baraha bulshada iyo goobaha ay dadweynuhu ku sheekaystaan.

Dadweynaha ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlaaya arintan, waxaana moodaa in si gaara loo hadal hayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida siyaasiyiinta sida aadka ugu kacsan Dawlada uu hogaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka dhaliilaya booqashada Siyaasiyiinta mucaaradka

Dadka la dhacsan siyaasada xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilaaya Dawlada cusub ee Madaxweyne Deni inuu munaasabadan ku casumo rag ay u arkaan inay yihiin kuwa ay ka dhaqaaqi ladahay Dawlada dhexe ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taageerayaasha xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada ayaa sheegaaya in ay ahayd in madaxweyne Deni uu soo dhaweeyo Dawlada dhexe uuna meesha ka saaro is-qab-qabsigii iyo wada shaqayn xumadii mudada dheer ka dhex aloosnayd Dawlada Federalka iyo  Puntland hase ahaate waxay rajo xumo ka muujinayaan in xiligan caleema saarkii Madaxweynaha lagu casumo qaar kamida raga huriya mucaaradada xoogan ee Dawlada Farmaajo iyo Kheyre lagaga soo horjeedo, iyagoo u arka inay arintani tahay calaamad muujinaysa xiriirka ka dhexeeya ragan iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Dadka la dhacsan booqashada Siyaasiyiinta Mucaaradka

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo la dhacsan siyaasiyiinta mucaaradka waxayna iyaguna si lamida kuwa taageersan Dawlada ay taageraadooda kusoo bandhigeen baraha bulshada, Dadkan ayaa qaba inay Puntland tahay hooyada Dawladnimada Soomaaliya ayna mudan tahay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah lagu soo dhaweeyo, dadka la dhacsan booqashada siyaasiyiinta uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u muuqda inay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay kusoo dhaweynayaan siyaasiyiintan mucaaradka, waxaana baraha bulshada ee Internetka lagu arkaayey sawiro ay kamid yihiin funaanado iyo tabeelayaal ay ku xardhan yihiin siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaaladda Garowe.

Isku soo wada duuboo Dadka dhex-dhexaadka ayaa iyaguna qabba inay tahay talaabo ay Soomaaliya horay u qaaday in si xor ah ay u kaftamaan, afkaarahoodana isku dhaafsadaan mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya iyadoo aysan cidina isticmaalayn qori caaradii.

PUNTLAND POST

The post Maxay imaanshaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Puntland ay hadal hayn gaara u dhalisay? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this