Deeq A. Posted January 24, 2019 In muddo ah, tan iyo markii uu 18 bilood kaddib Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxa uu bilaabay dhaliilo joogta ah oo ka dhan ah madaxda dowladda hadda jirta. La yaab ma aha in maamul markaas jira la dhaliilo maadama kuwii ka horreeyey sidaas loo eedeyn jiray, hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne hore oo xilka looga guuleystay, waliba si weyn in wax ka yar laba sano maamul jira uu u soo tafa xeyto dhaliishiisa. Dhinaca kale, side ayuu ahaa xaalka Farmaajo waqtigii Xassan Sheekh Madaxweynaha ahaa? Madaxweyne Farmaajo qudhiisa ma ahayn mid aamusan xilligii Xassan Sheekh oo waxa uu mar walba ka hadli jiray idaacadaha oo uu ka dhaliili jiray maamulkii markaa jiray. Taas, waxa ay kuu muujineysaa in labada hogaamiye midkoona kan kale siin waqti oo uusan uga dhimrin dhaliisha. Hase yeshee, Madaxweyne Farmaajo sidoo kale waxaa jirtay muuqaalo uu ku difaacayo Xassan Sheekh sida mar uu joogay Waqooyiga America oo wax laga weydiiyey muran u dhexeeyey Xassan Sheekh iyo Madaxdii maamulada. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Xassan Sheekh lagu maamuuso xilka uu hayo ee Madaxweynenimada Qaranka halka kuwa kale ay yihiin Madax maamul Gobolleed oo wixii ka xumaada Xassan ay ka xumaadeen Soomaali oo dhan. Marka la eego waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xassan ee dhinaca is dhaliilada ayaa ah in mid Muqdisho saldhig ka dhigtay midna uu qurbaha joogay. Si kastaba, Xassan Sheekh waxa uu ku dooday in uu waligii dal joog ahaa oo aysan ka dhigneyn ku soo noqoshadiisa Muqdisho mid uu ku fowdeenayo maamuulka uu Farmaajo hoggaamiyo. Midda kale, Xasan Sheekh si toos ah uma magacaabo madaxda dowladda, waxaase uu ka hadlaa kaliya xaaladda guud ee dowladda, isaga oo inta badan sheega qaladaad muuqda oo u baahan in la saxo. Doodda ah, waqti dowladda ha siiyo, ma ahan mid saxan. Nidaamka ku dhisan xisbiyada iyo afkaaraha kala duwan ayaa xaq u siinaya Xasan Sheekh in qaladaadka dowladda uu sheego. Haddii qalad muuqdana, sideedaba ma lahan waqti la sugo oo in markaas la saxaa. Si kastaba, oo ay ahaataba, haddii la doonayo dal ku dhisan nidaam dimoqraadi ah, oo qof kasta fikirkiisu xog u yahay, waxba kuma jabna in Xasan Sheekh dowladda uu dhaliilo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites