Sign in to follow this  
Deeq A.

Soo jeedintii ahayd in Kenya laga masaafuriyo Yuusuf Xaaji iyo Aadan Barre oo muujisay xaqiiq qarsaneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wariye u dhashay Kenya oo loo yaqaan David Harison Oluoch ayaa dood dhaliyey kaddib markii uu Twitter-kiisa uu ku soo qoray weedho ahaa in Soomaaliya loo musaafuriyo siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida Kenya.

Siyaasiyiinta uu carabaabay wariyaha waxaa ka mid ahaa Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aamina Maxamed oo ah Wasiirka Waxbarashada horena u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas iyo Yusuf Xaaji oo ah Senotor laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa horena u soo noqday Wasiirka Difaaca Kenya.

Hadalada David Harison Oluoch waxa ay dhaliyeen dood oo isaga galisay halis balse maxaan ka baran kartaa ama Soomaalida Kenya uga bixi kara arrintaas?

Kaliya hal qodob ayaa ku jira halkan!: Soomaalida Kenya wali dalkaas lagama aqbalin!

Soomaalida Kenya waxa ay dalkaas la qaateen xoriyadda 1963 balse waxaa soo maray waqtiyo adkaa oo ay galeen kacdoon hubeysan oo ay ku doonayeen in ay uga soo go’aan oo ay ugu soo biiraan Jamhuuraddii Soomaaliya.

Afti uu Ingiriiskii dalkaas guumeysan jiray ka qaatay isla 1963, 89% waxa ay u codeeyeen in ay la midoobaan waalahood Soomaaliya balse Ingiriiska oo rabay in Kenya arrintaas iyada ah rahmaad ugu haysto khiyaanay rabitaankii Soomaalida.

Hadaka wariyaha ka soo jeeda qowmiyadda Jalwada loo yaqaan ama LUO ma aha mid iska yimi, balse waa mid ku qotoma fahanka bulshada Kenya ee aan Soomaalida ahayd.

Dhammaantood waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalida dalkaas ay culeys ku hayso Kenya inteeda kale oo ay u sababeeyaan dhawr waxyaabood sida; in gobolka Soomaalida ka soo galin dhakhli la mid ah kuwa gobolada kale, amni darro ka jirta, Islam yihiin, ka suurad duwan yihiin, ka horumar iyo aqoon hooseeyaan gobolada kale.

La yaab ma aha in qof ka mid ah qowmiyadaha kale ee Kenya sida Gikuyada, Kambada, Abaluhyada, Jalwada ama Meru-ga uu kala garan waayo Soomaalida ka soo jeeda Gaarisa iyo Muqdisho oo ugu yeero ama ku dhoho “Wee Wariyaa ruhu Nyumbani Kwenu” oo ay ka wadaan waryaa ku laabo gurigaaga oo ah Soomaaliya! Waa isla hadalka uu wariyaha ku qoray Twitter-kiisa ee ah ‘Hala musaafuriyo siyaasiyiintaas!”

Sida uu wariyaha ku doodayo siyaasiyiinta uu xusay waxa ay tarxiilkooda ka qeyb qaadaneysaa in Kenya amnigeedu hagaago.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi

caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this