Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Halkee ayay dhaqaalaha gaaraya 9 milyan ka heleen kooxdii weerartay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Hay’adaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa wali wada baaritaanka weerarkii Al shabaab todobaadkii hore ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Kiiska Weerarka ayaa galay dalka Koofur Africa, kadib markii la xaqiijiyay in kooxda weerarka geysatay ay  dhaqaalo ka heleen dalka Koofur Africa.

Hay’adaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay sagaal milyan oo lacagta dalka Kenya ah ka heleen dalka Koofur Africa seddex bilood ka hor weerarka, waxaana loogu soo diray adeega MPeza ee shirkada Safaricom.

Taliyaha ciidanka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya Monicah Githaiga ayaa sheegay in kooxda weerartay Hotelka DusitD2 ay aadeen Soomaaliya markii lacagtaasi ay ka heleen dalka Koofur Africa.

Lacagta ayaa sidoo kale la sheegay in la dhigay Bangiga Diamond Trust Bank qeybtiisa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kadibna loosoo wareejiyay dalka Soomaaliya.

Ruux magaciisa lagu koobay Nuur oo lahaa shirkad Dalxiis ayaa laga xiray todobaadkii hore Galbeedka magaalada Nairobi, kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruuxa lacagta lagu qoray oo adeegsada labo taleefan.

Dadka baaritaanka loo xiray ayaa sii kordhaya waxaana ku jira wariye la sheegay inuu xiriir la lahaa dadka weerarka ka dambeeyay, gaar ahaan hogaamiyaha kooxda weerarka hotelka Magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this