Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish oo soo bandhigtay Magacyada & qabiilada dagaalyahano kaga dhintay Soomaaliya (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawirada shaqsiyaad Soomaali ah oo kaga dhintay dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo muuqday muuqaalo ay baahiyeen Daacish.

Wargeyska Long Street Journal ayaa sidoo kale baahiyay magacyada iyo qabiilada dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalka Daacish, waxaana badankood ay ku dhinteen dagaalka ay la galeen Al shabaab.

Dadka magacyadooda iyo qabiiladooda lasoo bandhiyay ayaa kala ah Soomaali Canadian, kuwo kasoo jeeda Jabuuti iyo ruux kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Ethiopia, sida lagu sheegay warbixinta.

Dadka badan ee lasoo bandhigay magacyadooda ayaa qabiil ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, halka kuwa kalana ay kasoo jeedaan dalalka deriska la  ah Soomaaliya.

Dadka qabiiladooda lasoo bandhigay ayaa u dhashay beelaha kala ah Majeerteen, Leelkase, Sheeqaal Abgaal, Mareexaan, Raxanweyn, Gaaljecel, Xawaadle iyo Maxamuud Saleebaan.

Hoos ka daawo sawirada

canadian-1024x576.png Ethiopi-1024x576.png

Ogadani1-1024x576.png Ogadani2-1024x576.png Ogadani3-1024x576.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this