Sign in to follow this  
Deeq A.

Israsaasayn Ka Dhacday Berbera Iyo Amar Bandoo Ah Oo Lagu Soo Rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Israsaasayn Ka Dhacday Berbera Iyo Amar Bandoo Ah Oo Lagu Soo Rogay

berbera-300x168.jpg

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa lagu soo rogay amar bandoo ah.Israsaasaynta labada dhinac oo socotay mudo ku dhaw 30 daqiiqo ayaa waxa ka dhashay khasaare sahlan oo dhaawacyo ah, iyada oo wararku ay sheegeen in dadka dhaawacyadu ay soo gaadheen ay ahaayeen kuwii waday dhismaha dhulka ee shaqaalaha ahaa balse  aan ilaa hada la xaqiijin in dhimasho jirto.Amarkan bandooga ah ayaa ka dhashay israsaasayn dhexmartay laba dhinac oo ku muransanaa dhul ku yaala magaalada Berbera, kaas oo wararku sheegeen in qayb ahaan caawa lagu war helay iyada oo la dhisayo isla markaana ay ciidan ilaalinayaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in magaalada Berbera lagu soo rogay amar bandoo ah iyada oo la hor istaagay baabuurtii ka baxaysay ee dhinaca Hargeysa u soo safraysay iyo baabuurtii galaysay ee Hargeysa ka tagtay, kuwaas oo ku xaniban goobaha lagu baadho ee duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in israsaasayntani timid ka dib markii lagu war helay dhisme laga wado dhulkii laysku haystay, taas oo la sheegay in amarka lagu dhisayeyna uu bixiyey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this