Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal ujeedo oo Saciid Deni ka leeyahay casumaada uu u wada fidiyey dowladd iyo kooxaha mucaaradsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalinta sabtida ah waxaa Garoowe ka dhici doonta caleemo saarka Madaxweynaha maamul Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni.

Sida la xaqiijiyey, Deni waxa uu xafladiisa ku marti qaaday Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore, Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh iyo xubno ku diidan dowladda sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Fiqi iyo kuwo kale.

Tallaabadan uu Deni qaaday ayey bulshada siyaabo kala duwan u fasiratay maadama sida la qabo hal goob isugu imaan doonaan Farmaajo iyo siyaasiyiina maamulkiisa mucaaradsan.

Hase ahaatee, waxaa jira qodob aysan bulshada dareemin oo ka saameyn badan inta la’isla dhexmarayo.

Deni oo doonaya in uu goolkii kowaad uu dowladda ka dhaliyo!

Sida aan rumeysanahay, Saciid Deni waxa uu doonayaa ama isku dayi doonaa in uu qaado tallaabadii ugu horreysay ee uu isugu soo dhoweynayo dowladda dhexe iyo dhinacyada ay is-hayaan.

Waxa uu kala dab qaado dowladda dhexe ee uu hoggaamin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda sida Xassan Shikeh Maxamuud, Fiqi, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu Deni isku dayi doonaa in uu xaliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe ee maamulada sida Jubbaland iyo Galmudug oo la filayo in Madaxweyneyaashooda ka qeyb galaaan caleemo saarka.

Hadii taas u suurtagasho, Deni waxa uu noqon doona odayga Soomaaliya taas oo ka dhigan in uu ka saameyn badan doono Madaxweyne Farmaajo oo uu sidaas shabaqa ula helay GOOLKII kowaad ee uu dowladda dhexe ugu shubo!

W/Q: Dalmar Xuseen Mire
Boosaaso, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this