Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Golaha Wakiilada Ee Fashilmay Oo Sannad Kale Fadhiyaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Golaha Wakiilada Ee Fashilmay Oo Sannad Kale Fadhiyaya

Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa u muddo kordhis u sameeyey Golaha Wakiilada. Golahan sida baas u fashilmay, ee xishood ka tagay, ee wax ma tar ah, ee aan waxba isku falayn, ayaa ilaa iyo December 2019, ku dul daacaya dadka Somaliland.

Subxaana Laah. Asxaabtan 14 sannadood meesha soo fadhiday, ee noqday “rubber stamp”, shaabad cid walba isticmaasho, miyaa weli sannad kale ina sii horjoogaya? Waa cajiib!!

Waxba ma aha, waxaa balan ah, haddii Eebe raali ka noqdo, oo lagu heshiiyo saami qaybsiga, inta wakiil ee dumar noqon, iyo inta ka socota beelaha tirada yar, iyo guddiga doorashooyinka ee qaranka, oo ay doorashadu qabsanto, in aanu mid maanta fadhiyaa soo noqon.

Nasiib daro, xisbiyadda dalka uun baa soo xulaya musharaxiinta, markaa, waxaan filayaa in ay kuwii uun soo noqday. Haddii ay sidaas dhacdo, musharaxuu madaxbanaan baa loo baahanyahay.

Somalilnd horumar dimuqraadi ma gaadhaso haddii aan la habeyn golayaasha qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this