Deeq A. Posted January 23, 2019 Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii marna soo noqday taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe. Qeyb kamid ah taariikhda Gen Carays Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) wuxuu dhashay qiyaastii 1940-tameeyadii, Waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaanna iskuul la oron jiray Geometry oo deris la’ aahaa isbitaalkii Digfeer ee haatan loo yaqaan (Recep Tayyip Erdogan). Sannadkii 1971-kii ayuu ku biiray ciidamadii militariga Soomaaliya,isagoo tababarro kala duwan ku qaatay dhinaca madaafiicda iyo gantaalaha (artillery & missiles), islamarkaana kamid noqday saraakiishii sare ee hoggaanka “madaafiicda iyo gantaalaha) ciidamadii xoogga dalka. Mudadii uu ka tirsanaa ciidamada militariga, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Berbera iyo sidoo saldhigii ciidamada Cirka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaah hoose oo uu wakhti kooban ka shaqeeyay. Kolkii la as’aasay jabhaddii SSDF oo markii u horraysay dagaal hubaysan ku wajahday dowladdii militariga Soomaaliya, Gen Carays wuxuu ku biiray jabhadda (SSDF)isagoo kamid noqday saraakiishii taliska dhexe oo hoggaaminaysay jabhaddaasi. Sannadkii 1998-dii wuxuu kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland, waxaana madaxweynihii u horreeyay, Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay taliyaha ciidamada Daraawiishta, isagoo xilkaasi hayay mudda 7 sano ah. Mudadii uu ahaa taliyaha Daraawiishta wuxuu dhisay ciidamo tiro iyo tayo ahaanba diyaarsan oo tiir-dhexaad u ahaa difaaca dhulka Puntland, sidoo kalena wuxuu kaalin weyn ka qaatay heshiisyadii gudaha Puntland, gaar ahaann heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu so af-jaray colaadii Cabdullaahi Yuusuf iyo golihii la baxday (GBP) ee uu hoggaaminayay Cadde Muuse. 5 bishii may ee sannadkii 2003 Gen Carays oo ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta, islamarkaana wakil ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa huteel la oron jiray Banaroma oo ku yaallay magaalada Boosaaso, wuxuu heshiis taariikhi ah kula saxiixday gen Cadde Muuse oo hoggaaminayay gole la baxay Badbaadada Puntland oo ka horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Heshiiskaa taariikhiga ah oo ay garwadeen ka ahaayeen, boqor Buurmadow iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa waxaa lagu so af-jaray colaad kala qeybisay Puntland oo u dhexaysay laba garab oo ay kala hoggaaminayan Cadde Muuse oo Ceel Afweyn joogay iyo Cabdullaahi yuusuf Axmed. Gen Carays wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyay dowladdii TFG-da xilligii Cabdullaahi Yusuf Axmed isagoo markii dambena noqday la-taliyaha amniga Qaranka ,ra’iisul wasaarihii xukuumadda Federaalka KMG Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke sannadkii 2009-kii. 21 bishii July sannadkii 2010-kii, madaxweynihii Puntland ee xilligaasi Cabdiraxmaan SH. Maxamed(Faroole) ayaa la taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca u magacaabay Gen Carays, hase yeeshee wuxuu xilkaasi iska casilay 10 November 2013 isagoo ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Puntland. Gen Carays ayaa markii dambe ka tanaasulay, murashaxnimadiisa madaxtinimada Puntland ee sannadkaasi 2014-kii, waxaase madaxweynihii doorashada ku guulaystay, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) mar kale u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca, xilkaasoo uu hayay ilaa iyo hadda oo uu geeriyooday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taariikhda General Cabdullaahi Mire Carays oo kooban appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites