Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhowr boqol oo ka tirsan dagaal-yahanada Al-Shabaab oo la sheegay in mar qura weerar lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in duqeymo ay fuliyeen ciidamadeeda lagu dilay dhowr boqol oo ka tirsan dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab.

Qorala lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob, oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay, sida ay sheegtay dowladda.

“Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Sida ay dowladda sheegtay, xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen.

Madaxda saree e dowladda ay sheegtay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this