Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif oo weerar culus qaaday “Awood la’aanta hoggaanka hadda jira ayaa igu qasabtay inaan is-sharxo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar culus ku qaaday hogaanka dowladda federaalka ee iminka, oo uu ku sheegay kuwan aan awoodin inay dalka ku hogaamiyaan guulo.

Sheekh Shariif oo madaxweyne ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2011, ayaa sheegay in hoggaanka hadda haya talada dalka oo aana woodin inay nabad iyo xasilooni dalka kusoo celiyaan darteed, ay ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto siyaasadda.

Wareysi uu siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayuu Sheekh ku sheegay in muddo xileedkiisii uu si guul leh u qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxa uu yiri “Markii aan xafiiska ka tagay, kooxaha xagjiriinta dib ayey usoo laba kacleeyeen”

“Markii aan ahaa madaxweynaha waxaan awoodnay inaan amniga kusoo celino Soomaaliya. Waxaan dalka u keennay nabad, wuuna mideysnaa” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxa uu ballan-qaaday in haddii dib loo doorto uu beesha caalamka ku cadaadin doono inay sare u qaaddo tayada iyo awoodda ciidamada qaranka Soomaaliy.

Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu aas-aasay xisbi cusub oo loogu magac daray Himilo Qaran, kaasi oo u loolami doona hoggaanka dalka, marka la gaaro doorashooyinka soo socda.

“Waxaan xaqiijinayaa inaan noqon doono musharax xisbiga Himilo Qaran ee 2020. Waxaan dareemaya in hoggaanka hadda jira ay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmeen si aysan u qalmin. Waxaan doonayaa inaan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid xooggan” ayuu yiri.

“Hay’adihii dowliga ahaa ee aan dhisay intii aan xukunka hayey ayaa marba marba ka dambeysay sii daciifayey. Muhiimadeyda koowaad waxay noqon doontaa haddii dib la ii doorto inaan nabadda dib usoo celiyo, oo dib loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah” ayuu sii raaciyey.

Waa erayadii ugu xoogganaa ee Sheekh Shariif uu ku weeraro hoggaanka dowladda hadda jirta, isaga oo inta badan ahaa nin qunyar socod ah oo inta badan iska ilaaliya inuu so toos ah dowladda u dhaliilo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this