Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre oo la kulmay wafdi ka socda Midawga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka.

Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

The post RW Kheyre oo la kulmay wafdi ka socda Midawga Yurub appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this