Deeq A. Posted January 23, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax uu ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nooca ay Soomaalidu utaqaano Qooqanta kaasoo lagu soo xiray waxyaabo qarxa. Illaa iyo haatan lama ogga cidda iska lahayd gaariga qaraxay, kaasoo xiliga uu qarxayay uusan qofna saarneen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata falalka noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay amniga Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasii baxayay iyadda oo ay dhacayeen dilal qorsheysan. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Taleex appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites