Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Lakulmay Wafti Ka Socda Bangiga Adduunka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Janauary 2019 xafiiskiisa kulan kula Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka ahaa qaarkamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank Mr. Gregory ayaa daarnaa isxog wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo dhammaystirka qabyo qoraalka qorshaha 2019 ee hay’addaha dowladda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Bangiga Aduunku ay ka hayaan Puntland iyo guusha uu gaaray Masruuca CIP mudadii uu shaqaynaayey ee ahay 4-ta sano, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu qirey in Dowladda Puntland diyaar u tahay ka faa’iidaysiga mashaariicda World Bank si guud iyo si gaar ah ba Mashruuca CIP. Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qayb ka ahaa aasaaskii Mashruuca CIP Capacity Injection Project World Bank markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya. SAWIRRO 50632874_377227293089032_604703955160242 50632924_377227239755704_152916541574008 50709900_377227463089015_692020972288894 50792663_377227193089042_885664510752954 50827919_377227353089026_805502060024404

The post Madaxweynaha Puntland oo Lakulmay Wafti Ka Socda Bangiga Adduunka. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this