Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Madoobe oo maanta lagu toogtay Muqdisho iyo Shabab oo war kasoo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal ka tirsanaa xafiiska hanti dhowrka qaranka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa xaafadda albarako ee degmada Hodon.

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sarkaalka ku dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa, waxaana la toogtay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqada, sida masuuliyiinta wasaaradda ay sheegeen.

Cabdi Maxamed Cosoble oo loo yaqaanay Cabdi Madoobe,  oo ka tirsan xafiiska Hanti dhowrka qaranka ayaa xiliga la tooganayay wuxuu saarnaa gaarigiisa, waxaana dilka kadib kooxaha hubeysan ay isaga baxsadeen halka dilka uu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen Meydka Cabdi Madoobe oo la dhigay xarunta Dambi baarista Soomaaliya si baaritaan loogu sameeyo.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilka ayaa sheegay in Cabdi Madoobe uu kamid ahaa dad u shaqeeya Xafiiska Hanti dhowrka qaranka, waxaana markii hore soo baxday inuu kamid ahaa wasaaradda arrimaha gudaha.

Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho, waxaaana maalmo ka hor Suuqa Bakaaraha lagu dilay Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada H/wadaag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this